HomeAll newsSh/Abu Muscab: "Mareykanka Wixii Maanta Qabsaday Midda Soo Socota Ayaa Kasii Darnaan...

Sh/Abu Muscab: “Mareykanka Wixii Maanta Qabsaday Midda Soo Socota Ayaa Kasii Darnaan Doonta” (Dhageyso)

Sh.Abuu Muscab Oo la hadlaya Warbaahinta.

Afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab, ayaa shir saxaafadeed uu qabtay ku faahfaahiyay weerarkii cuslaa ee ay maanta ku beegsadeen ciidamo huwan ahaa oo ku sugnaa degaanka Jannaay Cabdalla oo qiyaastii 55km u jira magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose iyo hawl gallo kale oo ka kala dhacay Gedo, Muqdisho, Mudug iyo Galgaduud.

Weerarkii Jannaay Cabdalle oo ahaa kan ugu xoogga badan ayuu sheegay inuu ka dhacay goob ay ku sugnaayeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa la socda kadib markii uu gudaha u galay nafti hure ka tirsan guutada Istish-haadiyiinta oo gaari kaxaynayay.

Wuxuu sheegay in weerarkaasi ay ka dhasheen khasaarooyin lixaad leh oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed. “Khasaaraha dhimashada ee gaaray Mareykanka waa 4 askari inta aan xaqiijinay waxaa kaloo dhintay 16 Murtad oo kuwii ayaga sida gaarka ah ula socday ahaa, dhaawaca Murtaddiinyu waa 12, 3 gaari oo ciidanka Mareykanka gaadiidka uu watay ahaa halkaa ayuu ku gubtay” ayuu yiri’ Sh/Cabdicasiis Abuu Muscab.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu farriin u diray ciidamada Mareykanka ee kusoo duulay Soomaaliya waxaana uu yiri’ “Cadawga Mareykanka waxaan leenahay horey waxaa idinkugu dhacay dharbaaxooyin xagga Mujaahidiinta ka yimid askar badanna ay idinakaga dhinteen hanti badanna ay idikaga baaba’day maantana middaan ayaa idin qabsatay midda soo socotaana insha’allaahu wey kasii darnaan doontaa”

Taliska Mareykanka ee Africom oo aan looga baray iney lasoo degdegaan qirashada wax yeellada milatari ee gaarta ayaa sheegay iney khasaare kala kulmeen weerarkii Jannaay Cabdalla.

Dad degaan ah oo ku nool halka uu weerarku ka dhacay islamarkaana codkooda iyo magacoodaba u qariyay sababo ammaan ayaa sheegay iney indhahooda ku arkeen diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah oo iska soo daba laabanayay barqadii illaa gabbal dhicii kuwaasoo daabulalay meydad iyo dhaawacyo.

Sidoo kale, garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa maanta ka duulay diyaarado nooca gurmadka degdegga ah oo uu Mareykanku leeyahay waxayna dibadda u qaadeen askartooda ku wax noqotay weerarka.

Ciidanka Jubbaland ee dhintay iyo kuwii dhaawacmay waxaa waxay maanta diyaaraduhu ku daadiyeen garonka diyaaradaha iyadoona loo dhaadhiciyay isbitaallo ku yaalla gudaha magaalada waxaana dhaawacyada kamid ah kuwa aan xaaladdooda wax looga qaban karin wadanka.

Huwanta lagu beegsaday degaanka Jannaay Cabdalla ayaa maalmihii lasoo dhaafay dhaqdhaqaaqyo ka waday duleedyada Kismaayo, waxaana ay dhibaato ku hayeen dadka reer miyiga ah.

Marar badan oo hore waxay ciidamada Mareykanku isku dayeen iney arbushaad ka sameeyaan degaanada u dhow magaalada Kismaayo ee hoos taga maamulka Xarakada Mujaaahidiinta Al-Shabaab, waxaana goor walba fashilinayay tallaabooyinka milatari ee ay la kulmayeen.

Marka laga yimaado, weerarkaas Jannaay Cabdalla, Afhayeenka Ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa waxa uu ka war bixiyay weerarro kale oo ay ka geysteen Muqdisho, Galgaduud, Mudug iyo Gedo.

Waxaa dhacdooyinkaas-na ugu khasaare badnaa laba weerar oo ka dhacay Mudug gaar ahaan tuulada Shabeelow, halkaasoo uu sheegay iney ku beegsadeen ciidamo kamid ah kuwa DF,a am Galmudug, ayna ku gubeen laba gaari, kuna dileen laba askari.

Intaa waxaa dheer oo uu Afhayeenku sheegay in habeenkii xalay ay ciidamadoodu weerareen askarta Xabashida ee heysta degmada Baardheere ee gobolka Gedo islamarkaana khasaare gaarsiiyeen.

Sidaa si lamid ah wuxuu ka hadlay weerar shalay ka dhacay duleedka degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud isagoo sheegay iney ku dileen 3 ka tirsan ciidanka Galmudug, oo uu midkood sarkaal ahaa.

Dhacdada kale, waa weerar shalay ka dhacay Muqdisho oo lagu beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo sheegay iney wax yeello gaarsiiyeen kuna dhaawaceen labo kamid ah ciidamadii la socday.

Sheekh Abuu Muscab ayaa shirkiisa jaraa’id kusoo gabagabeeyay in hawlgallada socdaahi ka marqaati kacayaan sida ay had iyo goor lugta u lulayaan ciidanka Mujaahidiinta iyo hogaankooda, waxaana uu dadka Muslimiinta ah dareensiiyay in shisheeyuhu jabi doonaan goorey ahaataba lagana sheekeysan doono.

SHalkan Ka Degso Shirka Jaraa’id Ee Sheekh_Abuu_Muscab 19_01_1442

 

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular