Wuqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa ka dhacay dil uu geystay sarkaal katirsan ciidamada maamulka Puntland.
Sarkaalka dilka geystay oo katirsanaa ciidamada Daraawiishta maamulka Puntland ayaa ugu horeyn wuxuu dilay ganacsade iibiya shidaalka, kaas oo ku sugnaa wuqooyiga magaalada Gaalkacyo.
Sida uu sheegayo gudoomiyaha magaaladaas dhinaca maamulka Puntland, ciidamo katirsan booliiska ayaa isku dayay iney qabtaan sarkaalka, hase ahaate rasaastii uu soo riday ayaa waxay markale dishey 2 ruux, halka mid kalena ay dhaawacday.
Isu geyn 3 ruux oo dhimasho ah iyo mid dhaawac ah ayaa ka dhashey rasaasta uu furay sarkaalka, waxaana dadkii uu laayay lagu aasay wuqooyiga magaalada Gaalkacyo.
Maamulka Gobolka Mudug ee dhanka Puntland wuxuu shaaca ka qaaday iney ku daba joogaan sarkaalka dilka geystay oo baxsad ah.
Goobaha ay dalka ka joogaan Shisheeyaha, Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa waxaa sidan oo kale mar weliba uga dhaca dilal bareer ah oo loo geysto dadka shacabka ah, waxaana ugu wacan ciidamada oo aan lahayn dhaqan wanaagsan, iyo iyagoo isku daya iney furtaan oo ay baartaan dadka shacabka ah.