Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxay ku toogteen sarkaal katirsan ciidamada Asluubta ee qaablisan ilaalada xabsiyada.
Sarkaalka la toogtay waxaa magaciisa lagu soo koobay Gurey, waxaana lagu toogtay deegaanka Weydow ee duleedka magaalada muqdisho.
Sarkaalkan wuxuu kamid ahaa ciidamada ilaalada xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku xiranyihiin maxaabiis loo saariyay falal aaney gelin ama ku lug lahayn.
Dhinac kale qarax ayaa magaalada Muqdisho waxaa lagula eegtay gaari cabdi bile ah oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan Dowladda federaalka.
Darawalka kaxeyay gaariga ayaa dhintay, halka askar kalana ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si firfircoon waxya uga howlgashaa magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka ay Shisheeyaha ka joogaan dalkeena Soomaaliya.