HomeAll newsRag Basaas u ahaa Sirdoonno Caalami ah Oo lagu toogtay Jubbada Dhexe.

Rag Basaas u ahaa Sirdoonno Caalami ah Oo lagu toogtay Jubbada Dhexe.

Maxkamadda ku dhaqanka Shareecada islaamiga ee wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka ayaa riday xukunno xaddu ridda ah, kuwaas oo lagu fuliyay ugu yaraan afar ruux oo jawaasiis u ahaa sirdoonno kala duwan.

Jawaasiista maxkamadda islaamiga ah ka hor qirtay falka lagu soo qabtay ayaa waxay u kala shaqeynayaan sirdoonnada Maraykanka, Qaramada Midoobay, Kenya iyo kan Dowladda federaalka.

Cabdi Sahal Dhabbar oo 57 jir ah ayaa ugu weynaa jawaasiistan basaasiintan xukunka lagu fuliyay, wuxuuna ninkan u shaqeynayay sirdoonka dowladda Kenya, isagoo farmuuqey dad muslimiin ah oo la xiray, isagoo ka howlgeli jiray dhulka NFD ee ay Kenya xooga ku heysato.

Cusmaan Faarax Dhaqane waa 27 jir jaajuus ah, wuxuu u shaqeynayay sirdoonka Dowladda federaalka, wuxuu gudbuiyay macluumaadyo lagu waxyeeleeyay dad muslimiin ah, isagoona sidoo kale u qaaday sawirro gaar ah.

Cali Cabdi-Raxmaan Cabdi  oo 33, wuxuu si wadajir ah ugu shaqeynayay Sirdoonka Dowladda federaalka iyo kan Maraykanka.

Maxmaad Aadan Xasan oo 51 jir ah ayaa isagana kamid ah jawaasiista, wuxuuna si wadajir ah ugu shaqeynayay Maraykanka iyo Qaramada Midoobay, si aan loo fahmin ayuuna mowlac kitaab ka akhrin jiray, wuxuuna mar Shisheeyaha kula soo kulmey xerada Xalane, isagoona shaqaaleysiiyay jawaasiis hor leh.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa gacan bir ah ku wajahda cid weliba oo ay ku cadaato la shaqeynta Shisheeyaha gaar ahaan Jawaasiista isku daya iney ka howlgalaan dhulka Wilaayaadka islaamiga.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular