HomeAll newsQaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo Duleedka Kismaayo Oo Khasaare dhaliyay.

Qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo Duleedka Kismaayo Oo Khasaare dhaliyay.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho iyo gobolka Jubbada hoose ayaa ku waramaya in qaraxyo xoogan lala eegtay ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa Bankrafta ee ka amar qaata ciidamada Maraykanka ee jooga Soomaaliya.

Qarax ka dhacay xaafadda Suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho waxaa lagu beegsaday gaari dagaal oo ay la socdeen ciidamo katirsan kuwa Uganda ee qeybta ka ah Shisheeyaha duulaanka kusoo qaaday dalkeena Soomaaliya.

Qaraxa waxa uu ahaa mid culus, waxaana durba lasoo warinayaa iney ku dhinteen 4 askari oo katirsan ciidamad Shisheeyaha ee duulaanka ku jooga dalkeena Soomaaliya.

Qarax midkaas lamid ah ayaa duleedka magaalada Kismaayo waxaa lagula eegtay ciidamo katirsan kuwa Bankrafta ee ka amar qaata kuwa Maraykanka.

Ugu yaraan 6 askari oo katirsan ciidamada Bankrafta ayaa lagu soo waramayaa iney ku dhintene qaraxan oo sidoo kale geystay waxyeello dhanka gaadiidka ah.

Kismaayo duleedkeeda waxaa maalmahan joogta ka ah qaraxyada lala eeganayo ciidamada Maraykanka iyo kuwa Bankrafta oo halkaas ka wada dhaq-dhaqaaqyo milliteri.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular