HomeAll newsMuslimiinta Pakistaan Oo ka horyimid Wargeyskii Aflagaadeeyay Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi Wasallam.

Muslimiinta Pakistaan Oo ka horyimid Wargeyskii Aflagaadeeyay Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi Wasallam.

Banaabaxyo ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen kumanaan dad ah ayaa ka dhacay wadanka Pakistaan, kuwaas oo looga soo horjeeday tallaabadii wargeyska Charlio hebdo uu markale ku aflgaadeeyay Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam.

Banaanbaxyadan ayaa xoogooda waxay ka dheceen magaalada Karaaji ee dalka Pakistaan, waxaana kasoo qeygalay dadweyne aad u badan oo watay boorar ay ku xardhanyihiin hadallo lagu difaacayo Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam.

Dadka ayaa shegayay in dowladda Faransiiska ay ka dambeyso tallaabada uu qaaday wargeyska Charlio hebdo, waxayna ku baaqeen in muslimiintu joojiyaan gebi ahaanba adeegsiga badeecadaha iyo qalabyada lagu farsameeyo Faransiiska.

Halkudhigyada ay wateen dadka dibadbaxyada dhigayay waxaa kamid ahaa kuwa ay ku dhiiragelinayaan in Muslimiinta ay dhiig uga jawaabaan caayda loo geystay Suubanaha, waxaana ay ku taliyeen in madaxa laga jaro cid weliba oo ku kacday dembigaas foosha xun.

Dhawaan ayaa wargeyska Charlio hebdo wuxuu markale meel ka dhac ku sameeyay Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam ee maqaamka sare leh, isagoo baahiyay sawirro uu ku tilmaamayo Rasuulka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular