HomeAll newsInkabadan 7 Askari Kenyaati ah Oo ku dhintay Qaraxyo ka dhacay Gedo...

Inkabadan 7 Askari Kenyaati ah Oo ku dhintay Qaraxyo ka dhacay Gedo iyo Mandheera.

Saacadihii lasoo dhaafay silsilado qaraxyo ah ayaa ciidamada Dowladda Kenya waxaa lagula eegtay gudaha dhulka ay Kenya xooga ku heysato ee NFD iyo qeybo kamid ah gobolka Gedo.

Gaari nooca BMB ah oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan kuwa dowladda Kenya ayaa waxaa qarax lagula eegtay inta u dhexeysa degmada Ceelwaaq iyo deegaanka Waantaay ee gobolka Mandheera.

Gebi ahaanba gaariga ayaa burburay, ciidamadii saarnaana waxay noqdeen dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale, labo qarax oo xoogan ayaa lala eegtay kolonyo katirsan ciidamada dowladda Kenya oo ku socdaalayay meel u dhow saldhiga ciidamada Kenya ee degmada Ceelwaaq.

Qaraxyada ayaa gallaaftay nolosha askar badan oo Kenyaati ah, waxaana inta haatan la xaqiijiyay ku dhintay 7 askari oo Kenyaati ah.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxyadan lala eegtay ciidamada dowladda kenya, ee qeybta ka ah Shisheeyaha kusoo duuley dalkeena Soomaaliya.

Marka laga soo tago dagaalka Kenyaatiga ku qabsanaya gudaha Soomaaliya, waxay ciidamada Mujaahidiinta ka howlgalaan dhulka NFD oo ah dhul ay Soomaalidu leedahay hase ahaatee gumeysiga Ingiriiska uu ku wareejiyay dowladda Kenya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular