HomeAll newsGanacasade Soomaaliyeed Oo U dhintay Dhaawac ay u geysteen Booliiska Koonfur Africa.

Ganacasade Soomaaliyeed Oo U dhintay Dhaawac ay u geysteen Booliiska Koonfur Africa.

Waxaa wadanka Koonfur Africa ku geeriyooday ganacsade Soomaaliyeed oo si weyn looga yaqaano wadankaas, kaas oo dhowr maalmood kahor ay dhaawac u geysteen ciidamada Booliiska wadankaas.

Ganacsada u geeriyooday dhaawaca ayaa waxaa lagu magacaabaa Cabdi-Naasir, waxaana xilliga ay rasaasta la dhacayeen ciidamada booliiska Koonfur Africa uu ku sugnaa magaalada Johensperg ee  wadanka Koonfur Africa.

Isibtaal ku yaala magaalada Johensperg ayuu dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ku jiray Cabdi Naasir, halkaas oo lagula tacaalayay xaaladiisa caafimaad, illaa ugu dambeyn uu geeriyooday.

Koonfur Africa, waxaa kusoo noq noqday dhacdooyinka noocan ah ee lagu beegsado dadka Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsatada, waxayna weerarada kala kulmaan kooxo burcad ah iyo xitaa booliiska wadankaas.

Halkan ka dhagayso Ganacsade Soomaaliyeed Oo ku dhintay Koonfur Africa

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular