Xamdi Maxamad Faarax waa gabar 19 jir ah, oo ay si xun u dileen kooxo mujrimiin ah, kuwaas oo inta kufsaday kadibna dabaq kasoo tuuray.
Kooxda tacaddigan geystay ayaa lagu soo waramayaa iney gabadha geysteen hotel ku yaala degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ah goobta ay dhibaatadu ka dhacday.
Ehellada gabadha sida xun loo dilay oo warbaahinta la hadlay waxay sheegeen iney aad uga xunyihiin waxa dhacay, ayna codsanayaan in kooxda dhibaatadan geystay la mariyo Shareecada Islaamka.
Halkan ka dhagayso warbixin ku saabsan dhacdadaas naxdinta leh ee lagu dilay Xamdi Maxa’ed Faarax.