HomeAll newsDEGDEG: Askar Mareykan Iyo Kuwa Soomaali Ah oo Ku Le'day Camaliyad Ka...

DEGDEG: Askar Mareykan Iyo Kuwa Soomaali Ah oo Ku Le’day Camaliyad Ka Dhacday Duleedka Kismaayo.

Wararka naga soo gaaraya degaanka Jannaay Cabdalla oo hoos taga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in weerar naf hurnimo ah oo aad u xooggan halkaasi lagula beegsaday ciidamo Mareykan ah iyo kuwa calooshood u sahqeystayaal ah oo la joogay.

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa bartanka ka istaagay ciidamada goob ay ku sugnaayeen Mareykanka iyo askartii la socotay ee Bankaraf waxaana ka dhashay khasaare lixaad leh.

Taliska ciidanka Mareykanka ee “Africom” waxay qireen in weerarkii maanta uu khasaare xooggan kasoo gaaray, halka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay si horudhac ah u sheegtay in weerarka ay ku dhinteen 20 isugu jira ciidanka Mareykanka iyo kuwa Bankaraf.

Mareykanka dhankiisa waxaa ka dhintay 4 sarkaal Bankaraf-na 16, waxaana xusid mudan in khasaaruhu intaasi ka badan yahay maadaama xogtu horudhac tahay.

Goobta uu weerarku ka dhacay waxaa dhowr jeer soo caga dhigtay diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah oo qaaday meydad iyo dhaawacyo tira badan.

Meydadka iyo dhaawacyada ciidamada Soomaalida calooshood u shaqeystayaasha waxay ku daadiyeen garoonka diyaaradaha Kismaayo kuwaasoo la geeyay isbitaalada.

Mid kamid ah dadka xog ogaalka ah ee Kismaayo oo magaciisa u qariyay sababo ammaan ayaa waxa uu inoo sheegay in uu indhihiisa ku arkay sodomeeyo dhaawacyo iyo meydad isugu jira oo ciidamada Bankaraf ah.

Sidoo kale, meydadka iyo dhaawacyada ciidamada Mareykanka ayaa waxaa la dhigay xarunta ay ku leeyihiin garoonka diyaaradaha ee Kismaayo.

Dadka degaanka Jannaay Cabdalla waxay sheegayaan in goobta camaliyaddu ka dhacday ay ka muuqanayaan raadad badan oo muujinaya in goobtu khasaare badan ka dhashay, waxaana la arkayaa ugu yaraan 3 gaari oo kaga gubtay ciidanka Mareykanka.

La soco wixii soo kordha.

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular