HomeAll newsDagaallo ka dhacay Jubbada Hoose iyo Gedo.

Dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose iyo Gedo.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay qaaday howlgallo milliteri oo beegsaday ciidamada Shisheeyaha, gaar ahaan kuwa socda wadamada Kenya iyo Itoobiya ee jooga gobollada Jubbada hoose iyo Gedo.

Jubbada hoose, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weerar culus ku qaadeen difaaca ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Cabdalla biroole ee duleedka magaalada Kismaayo.

Dagaalka waxa uu ahaa mid culus oo in muda ah socday, waxaana loo badinayaa inuu waxyeello kala duwan gaarsiiyay ciidamada Kenya ee qeybta ka ah duulaanka ay Shisheeyuhu kusoo qaadeen dalka Soomaaliya.

Dhinac kale, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weerareen ciidamada Itoobiya ee saldhiga ku leh garoonka diyaaradaha ee magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dagaalka Itoobiyaanka lagu qaaday waxa uu ahaa mid xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay soo warinayaan goobjoogayaal.

Lama hayo khasaaraha rasmiga ah ee gaaray ciidanka Xabashida Itoobiya, waxaana lasoo warinayaa iney jirto waxyeello kala duwan.

Goobaha ay Shisheeyuhu ka joogaan gobollada Soomaaliya iyo caasimadaba waxaa ka dhaca weeraro ay fuliyaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo hooy iyo nasashaba u diiday ciidamada Shisheeyaha.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular