HomeAll newsCiidmo Katirsan Dowladda Federaalka Oo lagu laayay dagaal ka dhacay Mudug.

Ciidmo Katirsan Dowladda Federaalka Oo lagu laayay dagaal ka dhacay Mudug.

Ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka oo fariisin ku leh deegaanka Shabeellow ee hoostaga Bacaadweyn oo katirsan Mudug.

Dagaalka oo ahaa mid culus, la iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ka dhashey khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo gaaray ciidamada Dowladda federaalka.

Inta haatan la xaqiijiyay 15 askari oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka ayaa lagu dilay dagaalka, halka sidoo kale lagu dhaawacay 8 kale, waxayna Mujaahidiinta soo furteen hub kala duwan.

Sarakaiil u hadlay ciidamada Dowladda federaalka waxay qirteen inuu jiro khasaare gaaray ciidamadooda.

Dhawaan ayaa deegaanka Shabeellow wuxuu marti geliyay weerar noocan ah, kaas oo dhaliyay waxyeello gaartay ciidamada Dowladda federaalka ee ku daaban Shisheeyaha Xabashida.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular