HomeAll newsCiidamo Huwan ah Oo Qaraxyo lagula eegtay duleedka Kismaayo.

Ciidamo Huwan ah Oo Qaraxyo lagula eegtay duleedka Kismaayo.

Guutada Qaraxyada ee ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qaraxyo culus waxay la eegtay kolonyo ciidamo Maraykan, Kenyaati iyo kuwa maamulka Jubbaland ka kooban oo dhaq-dhaqaaqayo ka waday deegaanno dhaca duleedka magaalada Kismaayo.

Qaraxa lagu weeraray kolonyadan ayaa gaarayay illaa labo qarax, waxaana lala heley qaar kamid ah gawaaridii gaashaamanaa ee ay ciidamada huwanta ah wateen.

Warar la helayo waxay xaqiijinayaan in ugu yaraan hal gaari lagu burburiyay qaraxyadan, iyadoo tobaneeyo askarina ay ku dhinteen.

Ciidamada huwanta ah ee ay ku jiraan kuwa Maraykanka ayaa hakiyay dhaq-dhaqaaqii ay wadeen kadib markii ay la kulmeen qaraxyadan, waxaana la kala saari karin khasaaraha ka dhashey qaraxyadan sida uu u kala gaaray ciidamada wadajirka ahaa.

Dhanka kale, garoonka diyaaradaha ee magaalada Buulaburde ayaa waxaa qarax lagula eegtay ciidamo katirsan kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah Shisheeyaha kusoo duuley wadanka.

Lama oga khasaaraha ka dhashey qaraxan, ciidamada Jabuutina waxya rasaas u tuurayeen jihooyin kala duwan markii uu qaraxu dhacay.

Howlgallada ka dhanka ah ciidamada Shisheeyaha ee dalka kusoo duuley ayaa joogta ka ah wadanka Soomaaliya, waxaana qaraxyada maanta dhacay ay kusoo aadayaan iyadoo maalintii shalay qarax ka dhacay duleedka Ceelwaaq ee gobolka Gedo lagu dilay 7 askari oo Kenyaati ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular