
Waaberigii hore ee saaka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaal kula wareegay degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo laga eryay ciidamadii Dowladda federaalka.
Ciidamada Mujaahidiinta waxay afar jiho kasoo weerareen degmada Balcad, taasina waxay dhalisay in si fudud ay magaalada kula wareegaan, ciidamada Dowladda federaalkana cagaha wax ka dayaan.
Dad ku sugan Balcad waxay soo warinayaan in milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay aad u hubeysnaayeen, islamarkaana laga dareemayay feejignaan dheeri ah.
Ugu yaraan Afar askari oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay dagaalka, kuwaas oo labo kamid ah ku dhinteen gudaha saldhiga oo qaraxa lagula beegsaday.
Balcad, waa markii saddexaad oo ay dagaal kula wareegaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana 30KM wuqooyi kaga beegantahay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Dhinac kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay habeenki xalay weeraro saf ballaaran ah ka fuliyeen saldhigyo ciidamada Dowladda federaalka iyo kuwa Kenyaatiga ku leeyihiin Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose.
Sabiid, Siinkadheer, Calamada iyo Bariire oo katirsan Shabeellaha Hoose ayay xalay ciidamada Mujaahidiintu ku weerareen askarta Dowladda federaalka, halka Shisheeyaha Kenyaatiga ee heysta Hosingow-na ay la kulmeen weerar culus.
Mudooyinkii u dambeeyay howlgallada ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxay ku socdaan si dardar ah, iyadoona ciidamada Dowladda federaalka iyo Shisheeyaha ay noqdeen kuwa difaac ah.