Wararka ka imaanaya deegaanka Jannaay Cabdalla ee duleedka magaalada Kismaayo ayaa ku waramaya in ciidamada huwanta ah ee Maraykanka iyo kuwa Bankrafta ay isaga carareen guud ahaan deegaankaas.
Ciidamada Maraykanka iyo kuwa Bankrafta ayaa iyagoo anfariirsan cabsi badanna ka muuqato waxay gudaha u galeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, halkaas oo markii hore ay kasoo duulaan tageen.
Ciidamada gudaha u galay Kismaayo ee ka cararay Jannaay Cabdalle waa kuwii dhawaan lala eegtay camaliyadda Nafhurimada ah, lagana dilay inkabadan 20 askari oo afar kamid ah ay Maraykan yihiin.
Qaar kamid ah dadka deegaanka Jannaay Cabdalla oo idaacada islaamiga ah ee Al-Furqaan la hadlay ayaa xaqiijiyay ka bixitaanka deegaankooda ee ciidamada Maraykanka iyo kuwa Bankrafta.
Halkan ka dhagayso Qof ku sugan Jannaay Cabdalla oo ay wareystay idaacadda Al-Furqaan