HomeAll newsDhagayso Beello Diyo kala qaatay.

Dhagayso Beello Diyo kala qaatay.

Kulankaan oo ahaa mid aad u ballaaran islamarkaana ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka islaamiga ah ee Gedo iyo qaar ka mid ah waxgaradka beesha Jaroon iyo Macalin weyne ayaa lagu wareejinayay diyo ay kala qaadanayeen labada beel.

Muddo hada laga joogo 5 billood fal dil ah oo ka dhacay dulleedka Dagmada Luuq ayaa waxaa ku dhintay Nin ka dhashay beeesha Jaroon, waxaana dilkaas geystay Ruux ka tirsan beesha macalin weyne iyadoona kiiskaas loo soo gudbiyay maamulka islaamiga ah ee Gedo.

Wada hadal dheer ka dib labada beel ayaa ku heshiiyay in ay uxukun tagaan maxkamada ku dhaqanka shareecada islaamiga ah ee wilaayada islaamiga ah Gedo, waxaana diyada ruuxa dhintay ay Noqotay 100 neef oo geel ah.

Munaasabadaan kooban ayaa lagu wareejiyay qeyb ka mid ah diyadii ay ku heshiiyeen beesha Jaroon iyo beesha kale ee Macalin weyne.

Halkan ka dhagayso warbixinta Diyada.

Maamullada wilaayaatka islaamiga ah ee taabacsan Xarakada mujaahidiinta Alshabaab ayaa si hufan oo cadaaalad ah ugu kala gar qaada beelaha walaalaha ah ee ku nool dalka Soomaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular