HomeAll newsAskar maamulka Jubbaland katirsan Oo Lagu dilay Qarax ka dhacay duleedka Kismaayo.

Askar maamulka Jubbaland katirsan Oo Lagu dilay Qarax ka dhacay duleedka Kismaayo.

Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Kismaayo ayaa ku waramaya in qarax xoogan lala eegtay askar katirsan maamulka Jubbaland oo marayay duleedka deegaanka Jannaay Cabdalla ee gobolka Jubbada Hoose.

Gaari Cabdi bile ah oo ay saarnaayeen askartan ayuu qaraxu haleeley, waxaana halkaas ku geeriyooday ugu yaraan afar askari oo katirsan ciidamada maamulka Jubbaland.

Ciidamada qaraxu haleeley waxay gurmad usoo sameeyeen kolonyadiii ciidamada Maraykanka iyo Bankrafta ee maalintii shalay camaliyadda Nafhurnimada ah lagula beegsaday duleedka deegaanka Jannaay Cabdalle.

Xaalad qalqal iyo cabsi ah ayaa ka taagan difaacyada ciidamada Shisheeyaha Kenya, Bankrafta iyo askarta maamulka Jubbaland ee gobolka Jubbada hoose, kadib camaliyadii shalay, waxaana maalmihii tagay joogta ahaa howlgallada ay ciidamada Mujaahidiinta ka fulinayaan gobolka Jubbada Hoose.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular