Maxkamada shareecada islaamka ee wilaayada hiiraan ayaa shalay fagaarre weyn oo kuyaalla degmada Ceel cali waxay ka fulisay xukun qisaas ah
Xukunkaan aya waxaa lagu fuliyay nin horay udilay nin kale oo ku sugnaa isla wilaayadaasi.
Xasan Aadan Cali oo 44 sanno jir ah ayaa lagu fuliyay xukunka qisaasta kaasi oo si kas ah udilay Xasan Cismaan Ibraahim sida uu ku dhawaaqay mid kamid qudaada xarakada shabaabul mujaahidiin.
Halkan ka dhagayso Codka Qaadiga.
Maxkamada ayaa walliyo damka ubandhigtay inay kala doortaan cafis, diyo, iyo qisaas, waxaana uu doortay qisaas.
Wilaayaadka islaamiga ah ayaa waxaa ka dhaca xukuno qisaas ah, waxayna taasi dhalisay in qofka Muslimka ah si sharci darro ah aanan lagu daadinin dhiigiisa sida ka dhacda goobaha ay ku suganyihiin shisheeyaha iyo maamulada ku daaban.