HomeAll newsAlQaacidada Jaziiratul Carab Oo u Goodisay Wargeyska Charli Hebdo.

AlQaacidada Jaziiratul Carab Oo u Goodisay Wargeyska Charli Hebdo.

Bayaan kasoo baxay hogaanka sare ee Mujaahidiinta Al-Qaacida ee Jaziiratul Carab ayaa looga hadlay tallaabadii foosha xumeyd ee dhawaan wargeyska Charlio Hebdo uu ku aflagaadeeyay Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam.

Qeybaha hore ee bayaankan waxaa looga hadlay sharafka iyo karaamada Suubanaha, iyadoo la sheegay in aaney waxba ka dhibi doonin aflagaado ay geysteen kuwa liita oo fool xun.

Mujaahidiinta Al-Qaacida ee Jaziiratul Carab waxay ku goodiyeen in Mujaahidiinta iyo Muslimiinta aaney ka aamusi doonin arinkan, oo ay qaadi doonaan tallaabo jawaab ah oo loogu hiilinayo Sharafka Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam.

“Anaguna , haddii aan nahay Mujaahidiinta AlQaacida ee Jaziiratul Carab, markale ayaan hadleyna waxaana leennahay, markii hore ee aad faafiseen sawirrada aad ku aflgaadeyneyseen Rasuulkeena waxaad is mood siiseen inaad amaan kaga jirtaan weerar la idin kusoo qaado, ama ay wax idin tari doonta waardiyaha adag ee aad isku geedaamteen, oo aaney musiibadu idin kusoo wareegi doonin, hase ahaate Allaah wuxuu idin kaga yimid meel aadan ka fileynin, iyo wax ka weyn intaad fileyseen, kadib markii ay weerar idin kusoo qaadeen wiilashii Kawaashi.” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay AlQaacida.

Iyagoo sii hadlaya Mujaahidiinta AlQaacida ee Jaziiratul Carab, waxay ku tiri bayaankan ay baahisay mu’assasada warbaahineed ee Al-Malaaxim.

“Maantana waxaan ku leenahay Faransiiska iyo wargeyskiisaba, kadib howlgalkii wiilashii Kawaashi, waxaa gudaha Faransiiska ka dhacay howlgallo Jihaadi ah oo lagu dilay inkabadan 250 qof, halka lagu dhaawacay boqollaal kale, ee yaa idin damaanad qaadaya inaydaan kamid noqon kuwa lagu  beegsanaya boqollaalka howlgal ee soo socda, oo aad kamid noqotaan kuwa ku dhimanaya, bal aad noqotaan hadafka koowaad ee howlgalladaas. Ragga fuliyay howlgalkii Charilo Hebdo waxay ahaayeen oo keliya labo qof, ee yaa idin ka celin doona shanta milyan ee muslim ee kunool gudaha Faransiiska, kuwaas oo 8000 oo kamid ah aad ku darteen liiska dabagalka iyo xagjirnimada”.

Bayaanka oo dhameystiran waxaad ku dhageysan doontaan barnaamijka Dhuuxa Waraysiyada Inshaa Allaah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular