HomeAll newsAl-Shabaab Oo Dagaal culus ka galay magaalada Dhuusamareeb.

Al-Shabaab Oo Dagaal culus ka galay magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, halkaas oo xarun u ah maamulka Galmudug.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa beegsaday saldhigyada ciidamada Jabuuti ee magaalada Dhuusamareeb, waxaana weeraraka uu ahaa mid aad u culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Reer Dhuusamareeb waxay soo warinayaan in dagaalkii xalay ka dhacay magaaladooda uuna noociisa soo marin mudooyinkii u dambeeyay, waxaana muuqata in ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay kediyeen ciidamada Jabuuti iyo kuwa kale ee jooga magaalada.

Sida ay soo warinayaan ilo xog ogaal ah, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay ku rogaal celiyeen goobaha ay weerarka ku qaadeen ee ah xarumaha milliteriga.

Khasaare lixaad leh ayaa la rumeysanyahay in la gaarsiiyay ciidamada Shisheeyaha ee lagu weeraray Dhuusamareeb, walow aynaan helin tiro rasmi ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular