HomeAll news16 qof Oo ku dhimatay Dab ka kacayXeebaha galbeed ee Maraykanka

16 qof Oo ku dhimatay Dab ka kacayXeebaha galbeed ee Maraykanka

Wararka ka imaanaya wadanka maraykanka ayaa ku waramaya in dab xooggan uu ka kacay deegaanadda dhaca xeebaha galbeed ee ku yaalla wadankaasi.

Dad ka badan nus milyan ruux ayaa ka barakacay xeebaha galbeed ee waddankaas, iyadoona uu dabku bur buriyay deegaanno badan oo katirsan wadanka maraykanka.

Kaymaha ku yaalla wadankaas ayaa holcaya waxayna kooxaha dab damisku ku dadaalayaan sidii ay u xakameen lahaayeen dabka, hasa yeeshee kuma guulaysan oo dabka ayaa ah mid si xowli ah ku fidiya.

Nus milyan ruux ayaa ka cararay guryahooda oo ku yaalla hal gobal oo kaliya waxaana lagu magacaaba orogen.

inta laxaqiijiyaya 16 ruux ayaa ku dhintay dabkaan iyadoo dad intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Haweenay madax ka ah mid kamid ah gobaladda uu dabku ka kacay ayaa ka digtay in tirada dhimasho ay sii kordhi karto saacada nagu soo aaddan, maadaama uu dabku wali socdo.

Sidoo kale kummanaan ruux ayaa ka barakacay gobalada Washington iyo California, kuwaas oo ka baqdin qaba in uu dabku soo gaaro.

Illaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysa dabkaan, hasa yeeshee boliska wadanka maraykanka ayaa baaritaanno ay sameeyeen waxay ku sheegeen in dabka la kiciyay islamarkaana ay soo maleegeen kooxo dana gaara leh.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular