HomeAll newsXillibaanno katirsan Dowladda Federaalka Oo ku dhaawacay Qaraxii Kolonyada Wasiirka Waxbarashada.

Xillibaanno katirsan Dowladda Federaalka Oo ku dhaawacay Qaraxii Kolonyada Wasiirka Waxbarashada.

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashey qarax xoogan oo maalintii shalay gobolka Gedo lagula eegtay wasiirka wasaaradda waxbarashada ee Dowladda Federaalka Cabdullaahi Goodax Barre.

Qaraxa oo uu Goodax ka badbaaday ayaa waxaa ku dhaawacmey xillibaanno katirsan Dowladda federaalka oo la socday wasiirka, iyo sarkaal katirsan Sirdoonka Dowladda federaalka.

Xillibaannada kala ah Maxamad Cali Magan iyo Cabdi Casiis Dhagool iyo sidoo kale taliyaha sirdoonka Dowladda federaalka ee degmada Luuq Cali Kediye ayaa la xaqiijiyay iney ku dhaawacmeen qaraxa oo haleeley mid kamid ah gawaarida kolonyada.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa qeybo kamid ah dalka Soomaaliya ka dhacayay howlgallo waaweyn oo ay fulinayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo beegsanaya Shisheeyaha, Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular