Habeenkii xalay, ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa fuliyay weeraro ka kala dhacay gobollada Shabeellaha Hoose iyo Gedo, kuwaas oo lagu beegsaday askarta Dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland.
Fariisin ciidama katirsan kuwa maamulka Jubbaland ku leeyihiin degmada Garbahaarrey ee xarunta gobolka Gedo ayay ciidamada jugta culus ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay ku garaaceen duqeymo xoogan.
Madaafiic dhowr ah ayaa gudaha ugu dhacay saldhiga ay ku sugnaayeen ciidamada maamulka Jubbaland ee wehlinaya kuwa Itoobiya ee duulaanka ku jooga degmadaas iyo qeybo kale oo kamid ah gobolka Gedo.
Dhanka kale, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar toos ah waxay ku qaadeen saldhig magaalada Jannaale ay kaga suganyihiin ciidamada Dowladda federaalka.
Weerarka oo dhacay habeenkii xalay, islamarkaana socday in muda ah ayaa dhaliyay waxyeello kala duwan oo gaartay ciidamada Dowladda federaalka, inkastoo aynaan helin xogta rasmiga ah.
Waxaa si joogta ah uga dhaca wilaayaadka islaamiga qeybaha ay ka joogaan Shisheeyaha iyo askarta Dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada weeraro qorsheysan oo ay fuliyaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.