HomeAll newsWeerar Nafhurnimo Oo lagu qaaday Xero Ciidan oo ku taalla Muqdisho.

Weerar Nafhurnimo Oo lagu qaaday Xero Ciidan oo ku taalla Muqdisho.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa tilmaamaya in qarax aad u xoogan oo ahaa noocyada Naf hurnimada lagu qaaday saldhig ciidan oo ay deganyihiin ciidamada milliteriga Dowladda federaalka.

Saldhiga la weeraray waxa uu ku yaalaa dhabarka dambe ee Stadium Muqdisho ee degmada Wardhiigley, waxaana qaraxu ahaa mid aad u culus, iyadoo xerada ay degnaayeen guutada 27aad ee ciidamada milliteriga Dowladda federaalka.

Naftii hure katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ku guuleystay inuu gudaha u galo xerada oo ay xilligaas ku sugnaayeen ciidamo badan oo katirsan kuwa milliteriga dowladda federaalka.

Khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashey weerarka nafhurnimada ah, waxaana lagu soo waramayaa in khasaaruhu yahay mid aad u badan, ayna jiraan gawaari dagaal oo sidoo kale ku burburay qaraxa.

Ciidamada Dowladda federaalka ayaa diiday in laga ag dhawaado xerada la beegsaday, waxaana lagu wareejiyay ciiidamo katirsan kuwa dowladda federaalka.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay si horudhac ah u sheegatay masuuliyadda weerarkan weyn.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular