War kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha dowladda Itoobiya Abey Axmed ayaa lagu sheegay in xilka laga qaaday wasiirkii gaashandhiga ee dowlada Itoobiya oo lagu magacaabo Lemma Megersa.
Masuulka xilka laga qaaday ayaa kasoo jeeda qowmiyadda Oromada oo bilihii lasoo dhaafay waday kacdoonno ka dhan ah maamulka Abey Axmed, waxaana xil ka qaadistiisa ay banaanka soo dhigeysaa khilaafka adag ee ka dhexjira dowladda Itoobiya.
Xisbiga talada haya ee wadanka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in shaqada laga saaray wasiirka gaashandhiga iyo xubno kale oo asal ahaan kasoo jeeda qowmiyadda OROMADA.
Waxaa Sidoo kale waxaa xisbiga talada haya laga saaray xubno ay kamid yihiin Taiba Hassan iyo Dr. Melqsa Medgha oo dhamaantooda ah siyaasiyiinta kasoo jeeda qowmiyadda Oromada.
Tani waxay sii adkeyneysaa khilaafka ka jira wadanka Itoobiya ee salka ku haya arimaha maamulka, waxaana ay sii hurin kartaa carada qowmiyadda Oromada.