HomeAll newsWasiirka Waxbarashada Dowladda Federaalka Oo Lagu Weeraray Gedo.

Wasiirka Waxbarashada Dowladda Federaalka Oo Lagu Weeraray Gedo.

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa ku waramaya in kolonyo uu la socday wasiirka waxbarashada ee Dowladda Federaalka Cabdullaahi Goodax Barre qarax lagula eegtay qeybo kamid ah gobolka Gedo.

Kolonyada uu wasiirka hogaaminayay ayaa ku safreysa wadada xiriirisa degmooyinka Doolow iyo Balad Xaawo, waxaana lagu soo waramayaa in qaraxa uu si adag u haleeley gaari kamid ah kolonyada.

Xaalad hubantiimo la’aan ah ayaa ka jirta masiirka wasii Goodax oo la socday kolonyada, lamana oga inuu isagu saarnaa gaariga uu qaraxu haleeley.

Safarka wasiirka waxbarashada ee Dowladda federaalka ayaa u muuqday mid aad loo qarinayay, hase ahaate sirdoonka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ka awood badan kan dowladda federaalka ayaa u muuqda mid ogaaday dhaq-dhaqaaqa wasiirka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular