HomeAll newsWasiir katirsan maamulka Hir Shabeelle Oo Jowhar Lagu Toogtay.

Wasiir katirsan maamulka Hir Shabeelle Oo Jowhar Lagu Toogtay.

Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe waxay ku dileen wasiir katirsan maamulka Hir Shabeelle, sidoo kalena ahaa xillibaan katirsan isla maamulkaas.

Cabdil Qaadir Abuukar Maxamad Karaani oo ahaa wasiirka beeraha maamulka Hir Shabeelle ayaa xalay lagu toogtay bartamaha magaalada Jowhar, waxaana xilka wasiirnimada loo dhiibay todobaad kahor.

Dilka kadib, ragga weerarka fuliyay ayaa isaga tagay goobta, waxaana goordambe meydka wasiirka iyo xillibaanka qaatay ciidamo katirsan maamulka Hir Shabeelle.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan lagu dilay wasiir Karaani oo ahaa wasiirka beeraha ee maamulka Hir Shabeelle.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular