HomeAll newsToogasho ka dhacday Aqalka Cad Xilli Trump uu ku sugnaa.

Toogasho ka dhacday Aqalka Cad Xilli Trump uu ku sugnaa.

Shir jaraa’id oo uu si toos ah u qabanayay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa waxaa ku yimid hakad, ka gadaal markii qof hubeysan uu weerar ka fuliyay gudaha Aqalka cad ee Maraykanka.

Sida ay sheegayaan warbaahinta Maraykanka, nin hubeysan ayaa kasoo tallaabay derbiga dhismaha Aqalka cad ee Maraykanka xilli uu Trump si toos ah ula hadlayay wariyaal ku sugnaa qeybta shirarka jaraa’id ee guriga looga taliyo Maraykanka.

Taliyaha ilaalada gaarka ah ee madaxweyne Trump ayaa la arkayay isagoo gacanta ka qabanaya Trump, kuna amraya inuu joojiyo shirka jaraa’id maadaama ay jirto halis soo korortay.

Daqiiqado uu Trump maqnaa kadib, wuxuu kusoo laabtay hoolkii shirka jaraa’id isagoo warbaahinta u sheegay in hadda ay xaaladdu degantahay.

Ciidamada Amaanka ayaa rasaas ku furay qofka la sheegay inuu weerarka soo qaaday, taasoo keentay inuu dhaawcmo, kadibna la dhigo isbitaallada caafimaadka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular