
Afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab oo shir jaraa’id qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyay weeraradii ugu dambeeyay ee ay geysteen sida:- kii Elite hote, Goofgaduud iyo nawaaxiga Jannaale.
Weeraradan oo mid kamid ah khasaare adag lagu gaarsiiyay ciidanka Uganda, ayuu shirkiisa jaraa’id ku faahfaahiyay natiijooyinka ka dhashay.
Wuxuu ku billaabay weerarkii hotel Elite oo hoy u ahaa xubno badan oo ka tirsan DF isagoo sheegay in khasaaraha ka dhashay uu gaarayo 25 dhimasho ah iyo in ka badan 30 oo dhaawac ah.
Dhismahan oo ku yaalla xeebta Liido ayuu Sh/Abuu Muscab sheegay inuu yahay buul shimbireed ay ku gabbaadsanayeen qaar kamid ah xubnaha DF.
Isagoo shirkiisa jaraa’id sii wata ayaa wuxuu faahfaahin ka bixiyay weerar qarax ah oo Isniintii ka dhacay inta u dhaxaysa Jannaale iyo Buufow kaasoo ay ciidamada Mujaahidiintu ku beegsadeen gaari gaashaaman oo Taw ah oo ay wateen ciidanka Uganda kuna dileen 8 askartaasi ah.
Sidoo kale wuxuu faahfaahin ka bixiyay weerarkii cusmaa ee aroornimadii Tallaadada ay ciidamada Xarakada Al-Shabaab kula jarmaadeen degaanka Goofgaduud Buurey halkaasoo ay ku beegsadeen xeor weyn oo ay dagganaayeen askarta Koofur Galbeed ee ay Xabashidu tababartay.
Wuxuu sheegay in weerarkan ay ku dileen 9 isugu jirta ciidamo, saraakiil iyo mas’uuliyiin. Taliska ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa wacad ku maray iney sii wadayaan weerarada illaa laga gaarayo yoolka la tiigsanayo oo ah ku dhaqanka shareecada islaamka.