HomeAll newsSarkaal katirsan Sirdoonka Dowladda Federaalka Oo Muqdisho Lagu dilay.

Sarkaal katirsan Sirdoonka Dowladda Federaalka Oo Muqdisho Lagu dilay.

Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu khaarijiyay sarkaal katirsan hay’adda Sirdoonka dowladda federaalka ee ay dadka qaar ugu yeeraan PS-ta.

Sarkaalka qaraxa lala beegsaday waxaa lagu magacaabaa Nuur, waxaana qaraxu haleeley xilli uu marayay xaafadda Afisyooni ee degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo haleelay gaariga uu saarnaa sarkaalka ayaa waxaa ka dhashey in halkaas uu ku dhinto sarkaalka la beegsaday ee katirsan Sirdoonka dowladda federaalka.

Waxaa goobta isku geedaamay askar katirsan dowladda federaalka, kuwaas oo qaatay meydka sarkaalkooda la beegsaday.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegatay masuuliyadda weerarkan, kaas oo ku daba feelaya howlgallo joogta uga dhaca Muqdisho oo beegsanaya xubnaha dowladda federaalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular