HomeAll newsSarkaal katirsan Dowladda Federaalka oo Muqdisho Lagu dilay.

Sarkaal katirsan Dowladda Federaalka oo Muqdisho Lagu dilay.

Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa toogtay sarkaal katirsan dowladda federaalka oo ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Dilka sarkaalkan ayaa ka dhacay xaafadda KPP ee degmada Hodan, waxaana ragga fuliyay ay goobta uga dhaqaaqeen si nabadgeliyo ah.

Sarkaalka lagu dilay howlgalkan gaarka ah waxaa magaciisa lagu sheegay Feysal Maxamed, waxaana la sheegay inuu katirsanaa saraakiisha Dowladda federaalka qeybtooda Sirdoonka.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda howlgalkan gaarka ah oo kamid noqonaya howlgallada sida joogtada ah uga dhaca magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular