Weli waxaa taagan hadal heynta iyo khasaaraha ka dhashey qaraxyadii waaweynaa ee dhawaan ka dhacay magaalada Bayruut ee caasimadda wadanka Lubnaan, kuwaas oo illaa iyo hadda lagu jah wareersanyahay waxay ahaayeen.
Tirada dhimashada sida laga soo xiganayo saraakiisha dowladda lubnaan waxay gaareysaa 154 ruux, halka dhaawacyaduna ay kor u dhaafayaan lix kun oo qof, waxaana muuqaallada Beyruut markaad arkeysa moodaa inuu ka dhacay dhul gariir xoogan.
Dowladda Lubnaan ayaa xabsiyada u taxaabay saraakiil sar sare oo katirsanaa dowladda, waxaana maanta xabsiga la dhigay masuul sare oo katirsan wasaaradda Maaliyadda gaar ahaan qeybta canshuuraha, kaas oo kamid ahaa masuuliyiintii ku shaqaynayay halka ay musiibadu ka dhacday.
Meshel Con madaxweynaha dalka Lubnaan oo dhawaan kulan la qaatay madaxweynaha Faransiiska Emmanual Macron ayaa shaaca ka qaaday inuu ka codsaday Faransiiska iney ku saacido haddii ay jiraan sawirro dhanka hawada ah oo ay ka qaadeen dusha sare ee magaalada Beyruut, kaa hor inta aanu weerarka dhicin.
Saraakiil sar sare oo katirsan booliiska caalamiga ah ee Interpol ayaa soo gaaray magaalada Bayruut, kuwaas oo loo badinayo iney ka qyb qaadaan doonaan baaritaannada socda ee lagu doonayo in lagu ogaado wixii dhacay.
Xoghayaha xisbiga shiiciga ah ee isku magacaabay Xisbullaah oo hadlay wuxuu shaaca ka qaaday iney lama huraan tahay in baaritaannnada wixii dhacay loo dhiibo ciidamada milliteriga wadanka Lubnaan, taasi oo ay dad badan shaki ka muujiyeen, maadaama ururku si adag ugu dhex jiro ciidamada wadankaas.