Faafaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashey dagaalki Xabsiga dhexe ku dhexmaray ciidamo katirsan ilaalada xabsiga iyo qaar kamid ah maxaabiista oo xoog hub uga furtay qaar kamid ah askarta.
Dagaalka oo soo billowday gelinkii dambe ee shalay soona gaaray fiidkii xalay ayaa saraakiisha lagu dilay waxaa kamid ah Kabtan Cabdil Qaadir Maskiinow, Laba xidigle Maxamad Siciid Raage iyo xidigle Maxamad Tooxow.
Qaar kamid ah Maxaabiista ayaa lagu soo waramayaa iney ka baxsadeen xabsiga, islamarkaana ay jiraan maxaiis kale oo ay si bareer ah u toogteen ciidamada Dowladda federaalka.
Halkan ka dhagayso Faafaahin ku aadan dagaalkii Xabasiga Dhexe