HomeAll newsNin La dhashey Madaxweynaha Maraykanka Oo Geeriyooday.

Nin La dhashey Madaxweynaha Maraykanka Oo Geeriyooday.

Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday inuu geeriyooday ninka ka yar Donald Trump madaxweynaha Maraykanka marka laga hadlayo caruurta la dhalatay.

Ninkan geeriyooday ayaa magaciisa lagu sheegay Ropert Trump, waxaana todobaadkii aynu soo dhaafney oo idil ku jiray isbitaal ku yaala magaalada Newyork ee dalka Maraykanka.

Trump ayaa shalay ku booqday walaalkiisa isbitaalka uu ku jiro, waxaana markii uu kasoo baxay isbitaalka uu sheegay in Report uu marayo xaalad adag.

Qoraal tacsi ah oo uu Trump dhigay bartiisa Twitterka, wuxuu ku sheegay in Ropert uu ahaa qof isaga la dhashey hadana ay saaxiibo ahaayeen, wuxuuna intaa ku daray in qoyskiisa uu waayay qof ay aad u jeclaayeen.

Dowladda Maraykanka ayaa ka gaabsatay ka hadalka cudurka uu u geeriyooday Ropert, waxaana warbaahinta qaar ay sheegeen inuu ku dahcay kansar halis ah.

Ninkan 72 jirka ah ee la dhashey Donald Trump ayaa mudooyinkii u dambeeyay ku howlanaa dacwad ka dhan ah gabar lagu magacaabo Marry oo uu adeer u yahay Donald Trump, taas oo sheegtay iney buug ka qortay tilmaamaha xun ee uu leeyahay adeerkeed oo ah madaxweynaha dalka Maraykanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular