HomeAll newsMuslimiinta Hindiya oo ka dhiidhiyay aflagaado loo gaystay Nabi Muxamed.

Muslimiinta Hindiya oo ka dhiidhiyay aflagaado loo gaystay Nabi Muxamed.

Dadka Muslimiinta ah ee ku Nool Magaalada Bangalore ee dalka Hindiya ayaa carro ka muujiyay siyaasi deegaanka ah iyo qoyskiisa oo aflagaado kula kacay nabigeena Muxamed kadib markii qoraal aflagaadada ku saabsan ay ku daabaceen barta Facebook.

Rag iyo haween ubadan dhalinyaro ayaa ka gilgishay waxay qoyskaan ku dhaqaaqeen iyagoo isku dayay inay guryaha ugu galeen si ay utusaan qiimaha iyo qaayaha uu muslimiinta ugu fadhiyo nabigeena.

Boolis ku hubaysan qoryo iyo buudad ayaa iyagoo wata gawaari isku gadaamay guriga qoyska si ay muslimiinta kaga difaacaan in waxyeelo ugaysteen qoyskaan oo ay lasoo derestay cabsi xooggan.

Saddex ruux oo kamid ah dadka isugu soo baxay magaalada ayaa dhintay tiro kalana wey dhaawacmeen kadib markii ciidamada Booliska Hindiya ay rasaas nool nool u adeegsadeen muslimiinta ka qiirooday aflagaadada loo gaystay Nabi Muxamed oo ah rasuulkii ugu dambeeyay ee Allaah uu soo diro adoomadisa.

Goob joogayaal ku sugan magaalada ayaa warbaahinta usheegay in la weeraray oo la gubay qaar kamid ah gawaarida ciidamada Booliska.

waxa ugu badan ee dadka Muslimiinta ah ay adeegsanayeen ayaa ahaa dhagxaan ay la dhacayeen ciidamada iyo guriga siyaasigaan.

Gudoomiyaha magaalada ayaa saxaafada usheegay in ugu yaraan 60 boolis ah oo ay ku jiraan saraakiil sarsare ay ku dhaawacmeen isku dhacyada dhex maray ciidamada iyo Muslimiinta.

Maamulka iyo saraakiisha dowladda oo isugu yimid kulan degdeg ah ayaa . Bandoow kusoo rogay magaalada.

jamaacaadka jihaadiga ah ayaa looga bartay inay ka falceliyaan kuwa aflagaadeeya nabigeena Muxamed iyo dadka dura muqadasaadka islaamka balse waayahaan danbe waxaa muuqanayay Muslimiin is xilqaamay oo ka jawaab celiyay dad aflagaadeeyay nabigeena Muxamed.

Nin dhalinyaro ah oo ku nool dalka Pakistaan ayaa maxkamad gudaheeda ku dilay nin ijaafeeyay nabi Muxamed.

Dalka Soomaaliya xarakada shabaabul mujaahidiin ayaa talaabo adag ka qaaday Cabdi Wali Cali Cilmi oo sheegtay nabinimo kaasi oo dadka ku marin habaabinayay magaalada Gaalgacyo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular