Guutada Madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa madaafiic ku garaacday saldhiga ciidamada Dowladda federaalka ay ku leeyihiin degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Duqeynta oo ahayd mid in muda ah socotay ayaa waxaa lagu soo waramayaa iney ku dhacday halka la beegsanayay oo ay degnaayeen ciidamada Dowladda federaalka.
Goobjoogayaal waxay soo wariyeen iney arkayeen qiiq iyo uuro madow oo ka kacday saldhiga ciidamada Dowladda federaalka ee degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda duqeyntan lagu garaacay saldhiga ciidamada Dowladda federaalka ee degmada Awdheegle ayaa xaqiijisay in khasaare kala duwan ay ka dhalatay duqeynta.
Shabeellaha Hoose goobaha ay kaga suganyihiin ciidamada Dowladda federaalka iyo kuwa Shisheeyaha waxaa si joogta ah uga dhaca howlgallo kala duwan oo ay fulinayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.