Saacadihii lasoo dhaafay howlgallo kala duwan oo ka dhacay duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa lagu dilay tiro kamid ah ciidamada Dowladda federaalka.
Howlgalladan oo ahaa kuwa qorsheysan islamarkaana ay fuliyeen ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu dilay kudhawaad 10 askari oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka, iyadoo lagu soo furtay hub.
Ugu yaraan inta haatan la xaqiijiyay 8 askari oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka ayaa lagu dilay howlgalladan, halka ay Mujaahidiinta soo furteen 5 qori iyo booshashkooda.
Wuxuu kusoo aadayaa howlgalkan khasaaraha lagu gaarsiiyay ciidamada Dowladda federaalka ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaan qarax ka dhacay inta u dhexeysa Jannaale iyo Buufow lagu dilay 8 askari oo katirsan ciidamada Shisheeyaha, kadib markii qarax lagu burburiyay gaari gaashaman oo ay saarnaayeen.