HomeAll newsKudhawaad 10 Askari Oo ciidamada Uganda Qarax Looga dilay.

Kudhawaad 10 Askari Oo ciidamada Uganda Qarax Looga dilay.

Qarax xoogan ayaa ciidamo katirsan kuwa dowladda Uganda lagula eegtay qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo ahaa mid aad u xoogan.

Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhexeysa Jannaale iyo Buufow, waxaana lagu burburiyay gaari nooca Tawga ah oo ay saarnaayeen ciidama katirsan Uganda.

Ugu yaraan 8 askari oo katirsan ciidamada Uganda ayaa lagu dilay qaraxa, iyadoo ay suuragal tahay in khasaaruhu intaas ka bato.

Ciidamada Uganda oo aad uga carooday khasaaraha soo gaaray ayaa si aargoosi ahaan ah waxay u dileen 5 qof oo shacab ah.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan, waxaana uu ku daba feylayaa howlgallada sida joogtada ah u beegsanaya Shisheeyaha iyo askarta Dowladda federaalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular