Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar nafhurnimo ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo uu fuliyay dagaal yahan ka tirsan Xarakada islaamiga ah ee Al-Shabaab.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab aya waxay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka oo lagu beegsaday goob ay isku yimaadeen saraakiil farabadan oo kawada tirsan dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Farmaajo.
Xarunta la weeraray oo ku taalla degmada Xamar Jajab ayaa kaabiga ku haysaa xarumo dhawr ah oo muhiim u ah dowladda sida xabsiga dhexe, xarumaha maxkamadaha, xarumaha wasaaradaha iyo saldhigga degmada Xamar Jajab.
Xogta ayaa waxay intaasi ku daraysaa in xilliga uu weerarku dhacayay ay goobta la beegsaday ku sugnaa saraakiil iyo askar aad u farabadan oo kasoo kala baxay xarumahaas iyaga ah waxaana halkaas ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa war ay si rasmi ah usoo saartay ku xaqiijisay in 9 ka tirsan saraakishii iyo ciidamadii labeegsaday ay goobta ku dhinteen iyadoo ay sidoo kale dhaawacmeen 14 kale.
Taliska ciidanka Xarakada Al-Shabaab ayaa intaa ku daray in weerarkan uu qeyb ka yahay hawl gallada lagu beegsanayo shisheeyaha isku soo bahaystay dalka iyo dhinacyada la shaqeysta oo ay DF-ka ugu horreyso.
Isku soo wada duuboo weerarkan oo ka dhacay meel halbowle ah ayaa waxa uu walwal ku beeray DF waxaana lagu soo hadal qaaday shir uu Baarlamaanku lahaa isla saacadda uu dhacayay.