Jamaaco Jihaadi ah oo hubeysan ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay askar badan oo katirsan milliteriga dowladda Nigeria waxay ka fulisay bartamaha wadankaas.
Wararka ka imaanaya dalka Nayjeeriya ayaa ku waramaya in dagaalyahanno katirsan jamaaco jihaadi ah oo lagu magacaabo Ansaarul Muslimiin fii Bilaadi-Suudaan ay weerar qorsheysan ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaala gobolka Kaduna ee bartamaha Nayjeria, halkaas oo ay ku dishey ciidamo katirsan milliteriga wadankaas.
Xogo lagu kalsoonaan karo oo laga helayo dalka Nigeria ayaa ku waramaya in ugu yaraan 25 askari oo katirsan milliteriga wadankaas lagu dilay weerarka, halka sidoo kale lagu dhaawacay toban kale.
War rasmi ah oo kasoo baxay Jamaacada Ansaarul Muslimiin fii Bilaadi-Suudaan waxay ku sheegatay masuuliyadda weerarkan qorsheysan ee lagu gumaaday askarta badan, iyadoona wacad ku martay iney sii wadi doonto halgankeeda.
Saraakiil u hadlay maamulka gobolka Kaduna ee uu ka dhacay weerarkan ayaa sheegay in bandow ay kusoo rogeen guud ahaan gobolka, si looga baaqsado suurtagalnimada iney dhacaan weeraro kale oo ka khasaare badan kan dhacay.
Ansaarul Muslimiin fii Bilaadi-Suudaan ayaa ka howlgasha wadamada Nigeria iyo Naijer, waxaana warbaahinta gobolka iyo kuwa reer galbeedka ay ku tilmaamaan iney xiriir la leedahay faraca Al-Qaacida ee Maqribul Islaam.