Weerar hubeysan ayaa ka dhacay gudaha magaalada caasimadda u ah Maraykanka ee Washinton, kaas oo uu fuliyay qof hubeysan.
Wararka ka imaanaya dalka Maraykanka ayaa xaqiijinaya in qof hubeysan uu gudaha u galay goob lagu caweeyo oo ay ka socotay xaflad ay kasoo qeybgaleen dadyow aad u badan.
Fuliyaha weerarka ayaa rasaas huwiyay dadkii faraha badnaa ee kasoo qeybgalay xafladda, taasoo keentay in khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac uu goobta ka dhasho, sidoo kalena ay isbuuraan dadkii kasoo qeybgalay xafladda.
Saraakiil katirsan Booliiska magaalada caasimadda ah ee Washinton oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan wiil dhalinyaro ah uu ku dhintay toogashada, halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen 20 kale.
Qofka lagu dilay weerarka waxaa lagu sheegay inuu ahaa wiil dhalinyaro 17 jir ah, islamarkaana ay rasaastu ka haleeshey qeybaha sare ee jirkiisa.
Gudoomiyaha magaalada Washinton oo la hadashey warbaahinta waxay shaaca ka qaaday in toogashada dhacday ay ahayd wax laga xumaado, ayna soo saareen awaamiir dhowr ah oo ay kamid tahay inaan isku imaatinnada aaney kasoo qeybgeli karin dad ka bada 50 ruux.
Waxay kaloo sheegtay mar ay la hadleysay warbaahinta iyadoo weliba aad u careysan in goobaha dadweynaha aan lagu isticmaali karin maandoorriyaasha, taasoo ay sheegtay iney keeneyso dhibaatooyin ba’an.
Waxaa illaa iyo hadda gacanta lagu heynin qofka fuliyaha weerarka, booliiskuna ma tilmaamin qof gaar ah oo ka dambeeyay weerarkan.
Inkastoo Corona uu ka jiro dalka Maraykanka, malaayiin ruuxna uu ku dhacay hadana weli dadka Maraykanka ma aysan dhaqan gelin bandowga ay dowladda soo rogtay, goobaha isku imaatinnada waa ay furanyihiin.