Gobolka Shabeellaha Hoose wararka ka imaanaya waxay ku waramayaan iney ka dheceen howlgallo kala duwan oo lagu beegsaday ciidamada Bankrafta ee uu tababaray Maraykanka iyo kuwa Dowladda federaalka ee Shisheeyaha ku wehlinaya duulaankooda.
Duleedka degmada Wallaweyn weerar kamiin ah ayaa waxaa loogu dhigay kolonyo mootooyin ah oo ay saarnaayeen ciidamada Bankrafta, waxaana halkaas ka dhacay dagaal adag oo khasaare ba’an lagu gaarsiiyay bankrafta.
Ugu yaraan afar asakari oo katirsan ciidamada Bankrafta ayaa lagu dilay kamiinkan, halka lagu dhaawacay labo kale, waxaana ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay gacanta ku dhigeen labo mooto iyo Labo qori.
Marka laga soo tago mootooyinka u gacan galay Mujaahidiinta, waxaa weerarka kamiinka ah lagu gubay mooto kale, waxaana si dirqi ah ku baxsaday hal mooto.
Dhinac kale, dagaal duleedka Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dhexmaray ciidamada Dowladda federaalka iyo ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxaa jab culus lagu gaarsiiyay ciidamada Dowladda federaalka.
Askari nool oo katirsan ciidamada dowladda federaalka ayaa u gacan galay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kaas oo lagu khaarijiyay halka uu ka dhacay dagaalka, kadib markii laga furtay qorigii uu ku hubeysnaa.
Ugu dambeyn, degmada Awdheegle, waxay ciidamada Mujaahidiinta madaafiic ku garaaceen saldhiga ciidamada Dowladda federaalka, waxaana loo badinayaa inuu jiro khasaare kala duwan.
Howlgalladan maanta oo keliya ka dhacay gobolka Shabeellaha hoose, waxyeellada adagna lagu gaarsiiyay ciidamada Bankrafta iyo kuwa Dowladda federaalka ayaa qeyb ka ah howlgallada joogtada ah ee ay fulinayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.