HomeAll newsHowlgallo Kala duwan Oo ka dhacay Jannaale iyo Nambar 60.

Howlgallo Kala duwan Oo ka dhacay Jannaale iyo Nambar 60.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar hubeysan waxay ku qaadeen difaacyada askarta Shisheeyaha iyo kuwa Dowladda federaalka ee magaalada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka oo ahaa mid qorsheysan islamarkaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa socday in muda ah, waxaana khasaare kala duwan uu gaaray Shisheeyaha iyo askarta Dowladda federaalka.

Inkastoo aynaan helin faafaahinta rasmiga ah ee waxyeellada, hadana waxay goobjoogayaal tilmaamayaan in dagaalku ahaa mid culus.

Sidoo kale askar katirsan ciidamada Dowladda federaalka oo saarnaa mooto ayaa weerar kamiin ah waxaa loogu dhigay deegaanka Nambar 60 ee gobolka Shabeellaha Hoose, mootadana mujaahidiinta ayaa gacanta ku dhigay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular