Diyaaradaha Dagaalka ee Yahuuda ayaa maanta oo arbaco ah duqeymo cusub ka gaystay goobo ku yaalla Marinka Gaza ee dhuka Falastiin.
Diyaaraduhu waxay duqeeyeen goobo ku yaalla koonfurta magaalada Gaza oo ah dhul faaruq ah, iyo magaalada Rafax ee marinka Qaza.
Madaafiicda ay rideen Yahuuda ayaa sidoo kale lagu waramayaa inay ku dhaceen goob ay ku sugnaayeen Rag katirsan mid ka mid ah kooxaha reer Falastiin sida uu ku waramay Taleefishinka Aljazeera.
Af hayeenka ciidamada Yahuuda ayaa sheegay in weeraradan ay jawaab u yihiin bilowga howlgallo ay doonayaan inay fuliyaan diyaaradahooda kuwaasi oo uu ku tilmaamay inay jawaab uyihiin gantaallo lagu weeraray dhulka xooga ku heystaan Yahuuda.
ilaa iyo haatan ma jirto khasaaro lasoo sheegay oo ka dhashay duqeymaha diyaaradaha Yahuuda.
Raiiselwasaaraha Yahuuda Netanyahu ayaa saacadihii tagay ku hanjabayay inay si xoog leh uga jawaabi doonaan gantaallo uu sheegay inay soo ridayeen kooxaha wax iska caabinta Falastiin.
Ciidamada Yahuuda ayaa shalay xiray isgoyska karim shalom, oo ah wadada kaliya ee ganacsi ee ku taal marinka Qaza oo ay adeegsanayeen reer falastiin gaar ahaan dadka ku go’doonsan Gaza.
Yahuuda ayaa sheegay inay joojin doonaa badeecadaha iyo raashinka isgoyskaasi ka gudbiyay ee usocday Gaza iyagoo sheegay inay fasaxayaan oo kaliya shidaalka.