HomeAll newsDhageyso Puntland oo Ka Cabatay Al-Shabaab Qalqaalana Ugu Jirta Lacag Ay Ku...

Dhageyso Puntland oo Ka Cabatay Al-Shabaab Qalqaalana Ugu Jirta Lacag Ay Ku Dhisato Sirdoon Dharcad Ah.

Maamulka Puntland oo kamid ah maamulada Soomaaliya ka jira ee ku daaban Xabashida laguna eedeeyo inuu kaalimaha hore kaga jiro (waxa loogu yeero) “la dagaalanka argagixisada” ayaa haatan u muuqda mid ligliganaya.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare oo ah gudoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka iyo taliyaha ciidanka Booliska ee gobolkaas Muumin Cabdi Shire, ayaa waxay si cad u muujiyeen inuu maamulku wajahayo culeys uga imanaya dhanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo dhaqaala darri.

Iyagoo la hadlayay dadka qurba joogta ah ee gobolka kasoo jeeda gaar ahaan kuwooda xiriirka la leh maamulka ayaa ka dalbadeen dhaqaale ay ku sheegayaan iney horey ugu ballameen si loogu dhiso ciidan DHAR-CAD ah.

Sida ay sheegayaan ujeedada ciidankan ayaa ah in ay soo farmuuqaan dadka ay kaga shakiyaan iney astaamo diineed leeyihiin iyo iney la dagaalamaan dugsiyada Qur’aanka iyagoo afkooda ku balballaariyay in dugsiyada Qur’aanku ay marin habaabiyaan caruurta!

“In la sameeyo barnaamijkaan aad tiraahdeen inaad naga taakuleeneysaan oo ahayd dharcadda ama dad sirdoon ah oo hubeysan oo dowladdana aan qeybta hubka ka qaadno qeybna ay tahay dad xuuraan ah oo dad weynaha ku dhex jira si arrintan Al-Shabaabka ay uga hor tagto” sidaasi waxaa yiri’ taliye Muumin.

Isagoo sii hadlaya ayaa waxa uu yiri: “Waxaa kamid ah inaanu ka hir galinno sharciyadaan baarlamaanku ansixiyay dugsiyada Qur’aanka iyo manaahijta wax barashada saameeneysa, tusaale, waxaa gobolka aad ugu badan in ayba ka dhex furan yihiin wax yaabihii DACWADA ahaa oo Al-Shabaab-ka manhajkooda qaadanaysay oo iskuullo ku leeyihiin inaanu fulinno sharcigaas weeye”

Dad weynaha ku dhaqan Puntland ayaa maamulka ku naaneysa “Ashahaado la dirir” maadaama inta badan ay goobaha cibaadada xijiyaan dhanka Al-Shabaab lana dagaalamaan.

Mudadii ay labadan mas’uul la hadlayeen jaaliyadda ayaa waxaa laga dheehanayay cabsi badan gaar ahaan waxay sheegeen ineysan awoodi karin iney sheegaan magacyada gudiyada kala shaqeynaya lacago uruurinta tan oo muujineysa ineysan cago badan ku taagnayn.

Illaa iyo hadda waxaan la ogeyn in hogaamiyaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Dani uu raggan la og yahay lacagaha ay jaaliyadaha ka raadsanayaan iyo in kale, waxa kaloo aan la ogeyn in dharcadda la doonayo in la qoro ay ku kooban yihiin gobolka Mudug iyo in kale.

Maamulka Puntland ayaa wuxuu sirdoonka Mareykanka ee CIA-da dhaqaale uga qaataa la dagaalanka (waxa loogu yeero “argagixisada” iyadoo sidoo kale ay la joogaan shirkado calooshood u shaqeystayaal ah oo arrimahaas ku shaqo leh iyo kuwa kale oo boob ku haya kheyraadka wadanka.

Bishii May ee lasoo dhaafay ayay ahayd markii Al-Shabaab ay magaalada Gaalkacyo ku khaarajiyeen Axmad Muuse Nuur Sanyare oo ahaa gudoomiyihii gobolka waxaana lagu baddalay walaalkii Cabdiladiif Muuse oo ah ninka haatan u cabanaya Siyaasiyiinta qurbajoogta ah.

Halkan Ka Degso Hadalada Gudoomiyaha Iyo Taliyaha

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular