HomeAll newsDeegaan katirsan Gobolka Mudug Oo ay dagaal kula wareegeen Al-Shabaab.

Deegaan katirsan Gobolka Mudug Oo ay dagaal kula wareegeen Al-Shabaab.

Aroornimadii hore ee saaka ayaa ciidamo katirsan milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weerar ballaaran ku qaadeen tuulo lagu magacaabo Shabeelow oo katirsan gobolka Mudug, kuna sugnaayeen ciidamo katirsan maamul goboleedka Galmudug.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana u suuragashey in gebi ahaanba ay la wareegaan tuulada Shabeelow oo hoostaga deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug.

Ilo wareedyo deegaanka ah oo la hadlay warbaahinta waxay soo tabinayaan in tuulada lagu arkayo ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo aad u hubeysan, kuwaas oo taagan goobaha muhiimka ah ee tuulada.

Ciidamo katirsan maamulka Galmudug oo isku dayay iney gurmad kasoo sameeyaan deegaanka Bacaadweyn ayaa la kulmey qarax xoogan, kaas oo hakiyay gurmadkooda.

Inta haatan la ogyahay 9 askari oo katirsan ciidamada maamulka Galmudug ee gacan saarka dhow la leh dowladda Itoobiya ayaa ku dhintay dagaalka, waxaana suuragal ah in khasaaruhu intaas ka bato.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular