Rag hubeysan ayaa weerar ay ka fuliyeen wadanka Niger ee dhaca galbeedka qaaradda Africa waxay ku dileen muwaadiniin u dhashey dalka Faransiiska oo la sheegay iney ahaayeen dalxiisayaal.
Rag hubeysan oo ku socdaalayay mootooyinka dheereeya ayaa weerar ku qaaday deegaan baadiyaha dhaca oo ay ku sugnaayeen ugu yaraan 8 ruux oo lix kamid ah ay ahaayeen muwaadiniin u dhashey dalka Faransiiska.
Dhamaan 8 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerarka, iyadoona markaas kadib ay baxsadeen raggii weerarka fuliyay.
Masuul u hadlay deegaanka uu weerarka ka dhacay oo lagu magacaabo Tillaberi ayaa shaaca ka qaaday in dhamaan dadkii dalxiisayaasha ahaa ay ku dhinteen weerarka, ragga weerarka soo qaadeyna ay ku baxsadeen mootooyinkii ay wateen.
Niger ayaa kamid ah wadamada ugu badan ee galbeedka Africa oo ay usoo dalxiis tagaan muwaadiniinta reer galbeedka gaar ahaan kuwa Faransiiska, waxaana inta badan dadkaas ajaanibta ah la sheegay iney faafiyaan diinta kiristanka, iyagoo ka faa’ideysanaya jahliga ka jira wadamada qaar iyo saboolnimada.