Ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaal ku qaaday difaacyada ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa Dowladda federaalka ee magaalada Jannaale gobolka Shabeellaha Hoose.
Dagaalka oo ahaa mid xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa socday in muda ah, waxaana ka dhashey waxyeello kala duwan.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa gudaha u galay Jannaale, waxayna si toos ah u beegsanayeen goobaha ay Shisheeyaha iyo ciidamada Dowladda federaalka ka joogaan magaaladaas.
Lama hayo faafaahinta rasmiga ah ee ku aadan dagaalka, maadaama xilliga uu dhacay ay ahayd waqti habeen ah, dadkuna ay guryahooda ku jireen.
Jannaale, waxaa joogta ka ah weerarada ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku beegsanayaan difaacyada ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa Dowladda federaalka, waxaana Shisheeyaha halkaas ku heysta dar xumo iyo go’doon adag.