HomeAll newsDagaal Culus oo ka dhacay degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo.

Dagaal Culus oo ka dhacay degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo.

Saqdii dhexe ee xalay guutooyin katirsan milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ballaaran waxay ku qaadeen saldhigyada ay degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo ku leeyihiin ciidamada Xabashida Itoobiya iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Dagaalka oo ahaa mid aad u culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa socday in muda ah, waxaana ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay si adag u beegsadeen ciidanka Xabashida.

Meelaha ugu adag ee uu ka dhacay dagaalka ugu culus wuxuu ahaa difaac ay Xabashida ku leeyihiin buundada degmada, halkaas oo uu ka dhacay dagaal aan waxba la isku reeban.

Daryanka hubka culus iyo hugunka madaafiicda ayaa laga maqlayay goobo ka baxsan halka lagu dagaallamay, waxaana reer Buurdhuubo ay sheegeen in dagaalkan uu kamid ahaa kuwii ugu cuslaa ee gudaha degmada ku qabsada Itoobiyaanka.

Warar horudhac ah oo la helayo waxay ku waramayaan in saraakiil Itoobiyaan ah iyo askar Soomaali ahba lagu dilay dagaalka, walow aan cadadooda si rasmi ah loo heyn.

Buurdhuubo ayaa kamid ah deegaannada iyo degmooyinka ay gobolka Gedo kaga suganyihiin ciidamada Xabashida Itoobiya, waxaana ka dhaca dagaallo adag oo ay Mujaahidiinta ku qaadaan askarta Itoobiya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular