HomeAll newsDagaal beeleedyo Khasaare badan dhaliyay Oo ka socda Suudaan.

Dagaal beeleedyo Khasaare badan dhaliyay Oo ka socda Suudaan.

Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, wararka ka imaanaya dalka Suudaan ayaa xaqiijinaya in dagaal beeleedyo dhiig badan ku daatay uu qeybo kamid ah wadankaas ku dhexmarayo qaar kamid ah qabaa’ilka walaalaha ah ee dega wadankaas.

Magaalada Boortasuudaan iyo deegaannada hoos yimaada oo katirsan gobolka badda cas ayay ka soconayaan dagaallada ugu culus, waxaana ay dhexmarayaan qaar kamid ah qabaa’ilka dega gobolkaas, iyadoo ay hurinayaan masuuliyiin katirsan dowladda Suudaan.

Ilaha caafimaadka ayaa xaqiijinaya in ugu yaraan 25 ruux oo labada dhinac ah ay ku dhinteen dagaallada weli ka soconaya gobolkaas, halka dhawacyada ay gaarayaan 87 ruux.

Gudoomiyaha gobolka Badda cas ee dalka Suudaan ninka lagu magacaabo Cabdullaahi oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in bandow ay kusoo rogeen gobolka, islamarkaana aaney jiri doonin wax dhaq-dhaqaaqyo ah marka laga reebo shaqaalaha caafimaadka iyo kuwa biyaha, tallaabadaas oo looga gol leeyahay in lagu hakiyo dagaalka socda.

Odayaal iyo waxgarad hadlay waxay ku eedeyeen maamulka gobolka ee dowladda Suudaan iney isha ka daawanayaan dagaallada socda, iyadoo meelaha qaar ay masuuliyiin katirsan maamulka gobolka ay kala taageerayaan dhinacyada hab qabiilka u abaabulan ee dagaallamaya.

Suudaan waxaa lagu tiriyaa wadamada ugu badan ee dhaca qaaradda Africa islamarkaana ay ka dhacaan dagaal beeleedyada waxaana ugu wacan wacyiga xaga diimeed oo yar, iyo dalka oo aaney ka jirin dowlad islaami ah oo umadda ku dhaqda Shareecada Islaamka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular